WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Gaas oo Garoowe markii uu kusoo laabtay Hambalyo iyo amaan kala dul dhacay Ciidamadda difaaca Puntland,Shirkii Baydhabo-Video

Garoowe  (Horufadhi News)-Madaxwaynaha Puntland C.wali gaas ayaa maanta kusoo noqday magaalada Garoowe, Wuxuuna ka hadlay Shirkii uu magaalada Baydhaba uga qayb galay.Gaas ayaa warbahinta la hadlay isla markaana waxaa uu ka hadlay wixii kasii baxay shirkii Baydhabo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Gaas oo arrimahaas ka hadlaya ayaa hadalka ku bilaabay“Waan idin salaamayaa dhamaantiin oo uu ugu horeeyo guddoonku, aad iyo aad baan idiin kaga mahadnaqayaa soo dhaweyenta Guddoomiye,  Wasiiro, Xildhibaano iyo odoyaasha kaleba, mudo dhowr beri ah ayaan waxaan ku maqneyen magaalada Baydhabo ee Caasumada kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed , halkaas oo aan kaga qayb galnay shirkii Amniga Soomaaliya, dabcan shirka waxaa looga hadlayaa arrimo muhiim ah oo amnigu ugu horeeyo, qaybsiga khayraadka, arrimo laxadhiidha doorashada 2020, dabcan waxa kasoo baxay waad lasocotaan go’aamo iyo hishiisyo arrimaahaas laxidhiidha oo aan isleeyahay waa arrimo muhiim u ah masiirka Soomaaliya iyo in Soomaaliya horey u socoto oo an is leenahay waxay sii adkeenaysaa Federaalisimka markaan eegno go’aamada soo baxay waxay qaybinaysaa awooda Soomaaliya, waxay horumarinaysaa nidaamka aan anagu hurmuudka ka ahayn federaalisimka, Puntland ayadu mar waliba ahayd midda uddooda, horumarisa, kahadasha, waxaan rajeenayaa Inshaa’ Allaah  in waxabdan Soomaaliya isbadal kusoo rogto dhan walba, dhan amni, dhan dhaqaale, iyo dhan arrimaha lawadaago ah”

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Maamul Gobaleedka  Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu kusoo laabto dalkiiyoo nabad ah isla’markaana waxaa uu Madaxweynuhu hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka difaaca Puntland ee Dagaalka kula jira Somaliland iyo Al-shabaab.

 

SOMALI NEWS

To Top