WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Garaad Jaamac Garaad Ismaciil oo Ka hadlay Xaaladda Laascaanood iyo Xiisada Puntland iyo Soomaliland-Video

Laascaanod (Horufadhi News)-Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Warbaahinta Magaalada Laascaanood ayaa sheegay in kulamo kala duwan laga yeeshay Dhibaatooyinka maamulka gobolku Bulshada ku hayo iyo Kacdoonka ka Jira Gobolka Sool.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale Garaadka oo ka hadlayey Xiisada ka taagan Tukaraq ayaa ku baaqay Nabadgelyo. “Shacabka Laascaanood waxaan leeyahay Nabadda Ilaashada oo isku Xidhnaada, Maanta Colaad Faa’iido maleh, Dhibaato idinku filan waad soo marteen, Maanta Nabad gelyo ayaan ku baaqayaa, Labada dhinac Garaadkoodkoodii ayaan ahay, Ummada Soomaaliyeed Garoodkoodii ayaan ahay “ Ayuu yidhi.

Garaad Jaamac ayaa sheegay in uu u kuur galay xaalada kacdoon ee Gobalka isla markaana uu wax kasta Guul kusoo dhamaadeen,waxaana uu sheegay in Reer Laascaanood nabadda ilaashadaan,waxaana uu sheegay in wax kasta oo soo kordhana ay dib ka wada hadli doonaan.

 

SOMALI NEWS

To Top