WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Somaliland Xisbiga Wadani oo kalsoonidii kala noqday Xubnihii Gudiga Doorashooyinka maamulkaa-Video

Madaxda Xisbiga Mucaaradka ee Wadani ee Maamulka Soomaliland ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa ay ku dhawaaqeen in ay kasloonidii kala laabteyn gudiga doorashooyinka ee maamulka soomaaliland kadib dhaliilo ay weli ka qabaan doorashadii ka dhacday Soomaalialnd ee uu ku soo baxay Muuse Biixi Cabdi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro oo  Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in warqada ay kalsoonida kala laabteyn Gudiga ay u gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi,Doorashadii ka dhacday deegaanada maamulka Somaliland sanadkii lasoo dhaafay isla markaana uu kusoo baxay Muuse Biixi ayaa waxaa ay ahayd mid ay dul hoganayeen dhaliilo xooggan iyo musuq maasiq xadhkaha goostay waxaana dhaliilo badan usoo jeediyey beesha caalamka iyo xubnihii kale ee kor joogayaasha ahaa kuwaas oo sheegay in taladii shacabka iyo niyadii doorashadaba la fara maroojiyey.

 

SOMALI NEWS

To Top