WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Socdaalkii Nabadda ee Madaxweyne Farmaajo iyo qaabka loogu soo dhaweeyay Dhuuso-Mareeb-Video+Warbixin

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka uu ku marayo gobolada dalka ayaa shalay gelinkii dambe si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safar dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Cadaado, waxaana uu soo maray deegaanada Godinlabe, Mareer Gur iyo Mirrig oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Waxaa ku soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Axmed (Bukhaari), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Carabeey, Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Galmudug iyo Hirshabeelle, Xildhibaanno heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadweynihii isu soo baxay, isagoo ku ammaanay sida wadinayadda leh ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku suganyahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda heer Dowlad goboleed iyo heer degmo, culumada, duubabka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

SOMALI NEWS

To Top