WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ra’iisul Wasaare Itoobiya oo Muuse Biixi kala hadlay Xiisadda Tukaraq iyo Cabdweli Gaas oo-Video

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa maalintii shalay safarkiisii labaad ku tagay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Socdaalkiisa ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey martiqaad uu ka helay Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn.

Muuse Biixi oo ay safarkiisa ku wehliyeen xubno Wasiiro ah oo ka tirsan maamulkiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Bole loogu sameeyay soodhoweyn, waxaana kaga hortagay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Workneh Gebeyehu iyo masuuliyiin kale.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Maamulka Somaliland  Muuse Biixi ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, iyagoo ka wada hadlay arrimo kala duwan oo khuseeya xiriirka labada dhinac iyo arrimaha geeska Afrika.

Itoobiya ayaa sidoo kale kala hadleysa Muuse Biixi qaboojinta xiisada ka soo ka dhex taagan maamulkiisa iyo Maamulka Puntland , kaddib markii todobaadkii hore Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Somaliland la wareegeen deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool, waxaana Itoobiya ay labada maamulba la leedahay xiriir dhow.waxaana laga yaabaa in uu maalmaha soo socda halkaas gaadho Cabdiweli Gaas oo isna la filayo in looga yeedho Addis ababa.

 

SOMALI NEWS

To Top