WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cali Maxamed Waran-cadde“Colaadda Tukaraq waxaa ka dambeeya Farmaajo iyo Dowladdiisa,,-Video

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland ayaa Dowladda Somaaliya ku eedeeyay colaada ka aloosan Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool ee u dhaxaysa Maamulada Puntland iyo Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cali Maxamed Waran-cadde ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo dusha ka saaray Xiisada halkaas ka taagan waxaana uu sheegay in uu isagu ka danbeeyo  kadib markii buu yidhi ay gudaha kaga qarxday Siyaasad iyo Mucaaradad xooggan oo Dowladiisa lagu diidan yahay.

 

SOMALI NEWS

To Top