WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxda Maamulada oo maanta soo gaadhay Magaalada Dhuusa-mareeb-Video

Wafdi ballaadhan oo ay kala hoggaaminayaan Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas iyo Madaxweynaha Maamulka Koofur-Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha kale duwan ee bulshada magaalada Dhuusamareeb ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha wafuuda Madaxweyneyaasha Puntland iyo Koofur-Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas iyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koofur-Galbeed Shariif Xasan ayaa ka qeyb galaya shirka lagu dhammeystirayo heshiiskii madaxda Galmudug iyo Ahlusuna ay kala saxiixdeen, iyadoo sidoo kale wafuud kala duwan lagu wado in ay magaalada Dhuusamareeb gaaraan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Gobalka Benaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka iyo Aqalka sare iyo Masuuliyiin kale ayaa ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, waxaana geba- gabo maraya qaban-qaabada shirka dhammeystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlu sunna.

SOMALI NEWS

To Top