WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Shirkii Madaxda M/Goboleedyada ee Garoowe oo baaqday iyo sababta…

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in uu baaqday shir xasaasi ahaa oo lagu waday in beri oo talaado ah Magaalada Garawe uga furmo madaxda Dowlad goboleedyada dalka .

Shirkan ayaa horey loo iclaamiyay kadib kulan ay aalada Zoomka ku yeesheen madaxda dowlad goboleedyada ayaa la sheegay in looga hadli lahaa xaalada siyaasadeed ee dalka iyo hirgelinta doorashada dalka .

Shirkan baaqashadiisa ayaa la sheegay in ay ka timid Madaxweynaha Galmudug oo ka codsaday madaxda kale ee dowlad goboleedyada in shirkaasi dib loo dhiigo arimo jiro owgeed .

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay kulan saacado badan qaatay la yeeshay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo khilaaf hoose u dhaxeeyay ayaa la sheegay in xaliyeen khilaafkii u dhaxeeyay iskuna soo dhawaadeen.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top