WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Habraaca Doorashada Somaliland oo mar kale lasoo saaray

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed ayaa mar kale soo saaray habraaca doorashada Aqalka Sare ee Somaliland.

Habraaca dambe ayaa lagu daray doorkii hubinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuunadda Federaalka Rooble oo ka maqnaa habraacii hore ee oo dood badan ka dhalatay.

Habraaca dambe ayaa lagu sheegay in Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ay soo xulayaan musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare ee Somaliland, markaas kadibna ay u gudbinayaana Ra’iisul Wasaare Rooble.

Waxaana meesha laga saaray habraacii hore hubintii Ra’iisul Waare Rooble ee ku jirtay habraacii ay Golaha Wadatashiga Qaran soo saareen 22 August 2021.

Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo dhawaan ka heshiiyay khilaafkii doorashooyinka ee u dhexeeyay; waxaana Ra’iisul Wasaare Rooble inuu si cadaalad ah uga shaqeyn doono doorashada Somaliland.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top