WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Mas’uul iyo Askar oo lala beegsaday Qarax khasaaro geystay

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala eegtay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Saraakiil dhinaca Ammaanka ah ayaa Risaala u sheegay in Gaari ay saarnaayeen mas’uuliyiintaan lala beegsaday qaraxa, waxaana ku dhaawacmay Taliyaha NISA ee degmada Buurhakaba oo lagu Magacaabo Xuseen Dhuubow iyo guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Buurhakabo Nuurow Ibraahim & askar.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed ayaa tegay halka qaraxa uu ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday dhaawaca mas’uuliyiintaan oo la sheegay in uu yahay mid fudud.

laamaha Amniga degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay weli si faah faahsan ugama hadlin qaraxa ay ku dhaawacmeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top