WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Shirka looga hadlayo Amniga Soomaaliya oo ka furmay magaalada Brussels-Sawiro

Shirkii looga hadlayay arrimaha ammaanka Soomaaliya ayaa goor dhow ka furmay Xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels dalka Belgium.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoominaya shirka, iyadoo ay wehliyaan Madax ka tirsan Midowga Yurub iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale shirka qeyb ka ah Guddiyada Baarlamaanka ee Difaaca, Amniga iyo xubno ka socda Maamul goboleedyada dalka.

Sidoo kale shirka waxaa ka qeyb galaya oo Ra’iisul Wasaaraha la shir guddoominaya La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo CabdiSaciid Muuse Cali.

Shirka ayaa looga hadlayaa qorshaha kala guurka sidii Ciidamada Qaranka ay Amniga dalka ugala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM oo muddo 11 sano dalka ku sugan.

Waxyaabaha laga soo saari doona ayaa ka mid noqonaya dhismaha Ciidamada qalabka sida, qaab dhismeedkooda, sidii loogu diyaarin lahaa in amniga dalka kala wareegaan AMISOM.

SOMALI NEWS

To Top