WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Kacdoon ay waddaan Haweenka Warbaahinta Soomaaliya ka shaqeeya oo ka socda Muqdisho-Video

Gabdha suxufiyiinta ah ee ugu caansan wariyayaasha Muqdisho ka hawlgala ayaa kasoo muuqday kulan lagu cambaareeyey war kasoo baxay gabadho kale oo suxufiyiin ah.

Gabdhaha ku shiray Muqdisho ayaa sheegay in arintu tahay sharaf dil loo geystey gabdhaha Soomaaliyeed Warbixin lagu baahiyey BBC-da taasi oo lagu sheegay in Hablaha Soomaaliyeed Marka ay shaqo Raadsadaan la kulmaan kufsi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Gabdhaha Soomaaliyeed maaha wax sharaftooda mashruuc lagu raadsado” ayay tiri Nasra Bashir Ali oo katirsan warbaahinta Dawlada.

“Arintan waxaa qoray rag aan naqaan oo hebel iyo hebel odhan karo kuwaasoo gabadha u adeegsadey inay ku dhawaaqdo, tan kale daraasadan markii la samaynayey waxaan ogaaney in warqadaha iyagu buux buuxsadeen oo cidna aysan waraysan”, ayay tiri Nimco Hassan oo ka tirsan NUSOJ.

SOMALI NEWS

To Top