WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Sharuudaha adag ee lagu xidhay sii deynta Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo sawirkiisii ugu horeeyay-Video

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa waxaa goor dhow laga sii daayay Xarunta Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), oo uu ku xirnaa tan iyo habeenkii Axada.

Wada hadalo iyo dadaalo aan kala go’laheyn oo ay ku lug lahaayeen Odayaasha dhaqanka madaxweyanayaasha Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xuldhibaano ayaa oo saacado badan la isku mari la’aa ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay.

Heshiiska lagu sii daayay oo ahaa damiin ayaa waxaa saxiixay Madaxda Maamulada Galmudug, Hirshabeelle, Gobolka Banaadir Odayaasha Dhaqanka, Madaxweynaha GalmuWasiiro ka socday Xukuumadda iyo C/raxmaan C/shakuur qudhiisa.

Shuruudaha heshiiska ayaa waxaa ka mid ah inuusan dalka ka bixi karin, inuu saxaafada la hadli karin iyo in uusan shir qaban karin, inta ay socoto kiiska dacwadiisa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top