WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Maamulka Khaatumo oo ka hadlay Colaada Deegaanka Gunburka Cagaare iyo eeda Puntland-Video+Warbixin

Maamulka khaatumo ayaa ka hadlay Xaalada Colaadeeda iyo dagaalka ka dhexmaray Beelo kasoo kala Jeeda Mudug iyo Sool, Kuwaasi oo Khasaare kala duwan gaystay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Khaatumo oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Buuhoodle ayaa Ku baaqay in Labada dhinac ay is Xakameeyaan, Waxayna sheegeen in loo baahan yahay in Nabad laga wada shaqeeyo.

Dhinaca kale waxay sheegeen in maamulka Puntland C.wali Gaas Hogaamiyo uu Arintaasi kaga Jiro door aan Fiicnayn, Sida ay hadalka u dhigeen. “Hadii uusan Faraha kala bixin maamulka Puntland  oo Ciidan badan keenay hada,   Faraha kama Laaban doono ” Ayay dhaheen.

SOMALI NEWS

To Top