WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadda gaadhay Maxakamadda Gobalka Banaadir-Sawiro

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo xalay dowladda ay ku sii deysay qaab damaanad ah ayaa goor dhow gaaray Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyadoo lagu wado in Maxkamadda go’aan soo saarto.

Siyaasiga oo ay wehliyaan xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka, gaar ahaan kuwa ku heybta ah ayaa kula sugan Maxkamadda, waxaana daqiiqadaha soo socda la filayaa inay Maxkamada furanto.

C/raxmaan C/shakuur ayaa xalay la sheegay inuu diiday qaab xeer jajab ah oo la doonayay in kiiskiisa lagu xaliyo, iyadoo aan Maxkamad la aadin, balse waxaa uu ku adkeystay in Maxkamad lagu kala baxo.

Odayaal, siyaasiyiin, Madaxda maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Duqa Caasimadda Muqdisho ayaa dadaal u galay sidii loo sii deyn lahaa, kaddib is afagarad laga gaaray xaaladihii ku wareegsanaa eedeyntiisa.

Wararka ayaa sheegaya in Maxkamadda ay u badan tahay inay Maxkamada fasaxdo, oo ay cadeyso in dambi lagu waayay.

Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa maalmo ka hor sheegtay in fal dambiyeed qiyaano qaran iyo qaran dumis uu ku eedeysan yahay C/raxmaan C/shakuur, kaddib markii habeenkii axadii Ciidamo ka tirsan kuwa NISA howl gal uu dhiig ku daatay ka fuliyay gurigiisa.

SOMALI NEWS

To Top