WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Shabakadda Horufadhi Media oo warbixin gaara ka diyaarisay Heshiiska dhexmaray Dowladda Soomalia iyo Qadar-Video

Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa ku kala saxiixday maanta magaalada Muqdisho heshiis horumarineed oo ku kacaya labo boqol oo malyan oo dollar iyadoo saxiixa heshiiskana uu goobjoog ka ahaa ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Heshiiskan oo ah mid mashaariic horumarineed loogaga hirgelinayo wadanka Soomaaliya ayaa yimid kadib markii uu saaka soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi uu horkacayo Madaxa Hay’ada Horumarinta Qadar Khalifa Jassim Al Kuwari.

Mashruucaan ayaa ka kooban, kobcinta Dhaqaalaha, Dhismaha Wadooyinka, iyo Waxbarashada sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya.

Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in Mashaariicdan oo dhamaantood ah kuwo lagu hormarinayo dalka ay ku kici doonto lacag dhan 200 oo Milyan oo Dollar.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Agaasimaha Guud ee Horumarinta Dowladda Qadar,Khaliifa Bin Jaasim,oo heshiiskaan dowladda Qatar Wakiil uga aha ayaa isna sheegay in ay dhisi doonaan Wadada u dhaxeeysa Jowhar iyo Muqdisho oo ah 90km iyo Wadada Muqdisho iyo Afgooye iyo Dhismaha Hay’addaha Waxbarashada iyo Shaqa abuur loo sameeyo dhalinyarada.

SOMALI NEWS

To Top