WARARKA SOOMAALI

Daawo- Saleban Ali Koore oo Hargaysa dhiigu ku kacay sheegayna in Khaatumada la aqoonsaday ay tahay Danbi qaran, Hadalo qabyaaladeysan oo xanaflehna kula cadho dhacay Baashe M Cadde-Video.

Saleban Ali Koore oo ku jira golaha barlamaanka mamulla Hargaysa ayaa asagoo aad u cadhaysan afkuna qalalan yahay, lagana dareemayo in ugu yaraan Sonkor iyo Dhiig mid ku kacsan yahay si weyn u cambaareeyey xubnihii barlamaanka ee beesha Isaaq u badnaa ee aqoonsaday wada hadalada labada maamul ee Khaatumo iyo Somaliland oo aqlabiyadoodu 42 xildhibaan ogolaadeen in la taageero wada hadaladaas labada dhinac u socda, wuxuuna ku eedeeyey in niman qabiilka Ali Khaliif ah oo aan Somaliland daad u ahayn, ay aqoonsadeen dawlad kale oo Somaliland ka madax banaan waa sida uu hadalka u dhigaye, wuxuuna sheegay in Xidhxidh arintan laga soo maleegay, asagoo sheegay in Baashe Maxamed Cadde yahay danbiile maadama uu dawlad wasiiro leh oo barlamaan ah aqoonsaday.

HALAKNA KA DAAWO…

Hadalka Saleebaan Ali Koore waxaa hadheeyey khal khal iyo cabsi siyaasadeed, asagoo ay ka muuqatay nin werwer ka qaba inuu wax ku waayo wada hadaladan, sheegayna inuu soo halgamay 26 sano ahaa Somaliland, waxana muuqata in xubnaha Hargaysa ku sugan ee Dhulbahante ay qaab caadifadeysan arintan u wajahayaan ayadoo dhawaana Laascaanood la soo geliyey Jajabin iyo Dhul sheegasho.

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top