WARARKA SOOMAALI

DAAWO-Madaxweyne Ali Khaliif oo aan Djibouti ku hakan doonin iyo dalka uu u sii Gudbi doono-VIDEO.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Dr Ali Khaliif Galaydh iyo waftigii wada hadalada Khaatumo iyo Somaliland u qaabilsanaa maamulka Khaatumo ayaa lagu wadaa inay maanta ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Golley-yeedhay ee duleedka waqooyi ee degmada Laascaanood ee xarunta G Sool, waftigan ayaa waxay ku horeyn doonaan magaalada Djibouti ee xarunta dalka Djibouti halkaasoo wareegii sadexad ee wada xaajoodku uga furmi doono labada maamul. Madaxweyne Ali Khaliif ayaa wararku sheegayaan inuusan ku hakan donen dalka Djibouti asagoo judhiiba u gudbi doona dalka Isu taga imaaraadka Carabta oo uu kaga qaybgeli doono shirar xaalada abaaraha ah iyo arimo kale oo asaga u gaar ah, sida warar ku dhaw-dhaw madaxweynaha u xaqiijiyeen shabakada Horufadhi MEDIA.

HALKAN KA DAAWO ……

 

Socdaalkan ayaa ku soo beegmaya ayadoo maamulka Somaliland xubnihiisa barlamaanku ansixiyeen wada hadalada labada maamul ee Khaatumo iyo SOmaliland inay noqdaan kuwa laba maamul kuwada hadlayaan, isla markaana meel marin doonaan waxii la isku afgarto.

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top