fikradaha

Maqaal: Xaqiiqadda Khaatumo State?

XAQIIQADA KHATUMO STATE:-

Waxaan jirta oo dadku wada arkaan, guddo iyo dibadba, in dalkii Soomaaliyeed oo ka koobnaan jirey 18 gobol, loo kala qaybiyey toddoba (7) Maamul Gobolleed iyo Xamar oo caasimadda Soomaaliyeed ah. Maamulladaas waxa lagu kala magacaaba: Somaliland, Khatumo State, Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, iyo Jubaland.

Haddaba, maamulladdii kale waa shaqeeyaan, dhibna looma geysto. Waxa dhib iyo dibindaabyo muddo lagu hayn jirey waa Maamulka Khaatumo State oo loo sameeyey gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn. Sida darteed, waxa marar badan lagu hadaaqi jirey Puntland iyo Somaliland dhexdooda waxba lagama samayn karo. Madaxdii hore Dawladda Federalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweyne Xassan Shiekh Maxamud iyo R/Wasaare Cumar C/rashiid waxay taageero buuxda ku siiyeen labada maamul ee Puntland iyo Somaliland in aan Khaatumo State shaqayn oo hanaqaadin.  Sida darteed, madaxdii dawladaasi waa diideyn oo ku adkaysteen sir iyo caadba in aan maamulka Khaatumo State sinaba u hirgellin. Iskaashigaas lagu hortaagna hanaqaadka Khatumo State waa burburay, oo Khatumo State waa la sameeyey. Gargaar ALLAH iyo rag u hawlgallay ayaa kiciyey oo hawlgelyey Khaatumo State. Khaatumo State waa hanaqaaday, waa socotay, oo meel walba waa gaadhay. Hadda, waxay Khatumo State ka hawlgasha labaddii maamul ee ku taagna dhexdooda. KA-NAXOW-NAFTA-WAA.

Waxa xusid mudan in maamulkii Madaxweyne Xassan Sh. Maxamud iyo R/Wasaare Cumar C/rashiid ay ku ixtiraami jireen maamullada Puntland iyo Somaliland is-hortaagga iyo ku tumashadda dadka reer SSC. Gabagabaddii cabudhinta iyo isugutagga dadka iyo maamulka reer Khatumo State, dawladdaasi waxay bililiqo u siisay oo u kala qaybisay kuraastii baarlamaanka Soomaaliyeed ee Maamulka Khatumo State labada maamul ee deriska la ah Khatumo State waa Puntland iyo Somaliland. Maamulkaasi hadda waana daayey ee Goodbye.

Hawsha ay Puntland iyo qaar Somaliland ah haddeer hayaan waa iskuday iska-horkeen dadka reer Khatumo State. Arrintaasna ma caga badna, meel fogna ma gaadhayso, waayo waa war la haya xiiso maleh. Fariin yar haddaan u diro maamuladaas ku hawlan dhibta Khatumo State, waxaan ku odhan laha: Fartaad taqaaniin qora, reer Khatumo State qorshiina iyo hadalkiina midna isku dilimaayo oo u dagaallami maayo. Haad burhaanakum !!!

Horgalladda, ka soo jeeda gobollada SSC, ee ka shaqeeya siyaadda maamullada deriska la ah Khatumo State, ee Puntland iyo Somaliland, waad ogtihiin in: Khatumo State hanaqaaday. Maamulkaasi hawlahiisii waa wada; gaabin maayo; gadaalna u laaban  maayo. Waxaad u baahan tihiin qorshe cusub oo aad kula qabsataan Maamulkan cusub ee Khatumo State, waayo waa la kala baxay, dhowaanna waa la kala guranaya. Shaqada siyaasadda ah ee aad u qabataan maamul kale waa isa soo guraya. Inta aan laydinka tegin hore u gaadha oo iska xaadiriya xarumaha Khatumo State iyo agteedda

Muccaradka kale, reer Khatumo State u dhashay, laakiin ku kacsan Khatumo State ee Horgalladu wax u akhriyaan, waxa la gudboon in ay isweydiiyaan horta: Xisbiga ay ka tirsan yahiin iyo waxay ay doonayaan. Waayo, gobolladaas waxa ka jira saddex maamul oo kala ah: Khatumo State, Puntland iyo  Somaliland. Waa la ogyahay in maamul walba leeyahay dad muxaafid ah oo fara badan iyo xulufo yar oo mucaarad ah. Laakiin, iskuday duminta Khatumo State waa dambi weyn oo laga xisaabtami karo, goor ay noqotoba. Haddii mucaaradnimada sii wadaan, waxa rumoobaysa hadal haynta ah in mucaradka Khatumo State ay adeeg sanayaan oo u shaqeeyaan qaar ka mid ah maamuladda deriska la ah Khatumo State. Shaqadaas oo iyana beri dhaw iska soo xidhmaysa

Hadal iyo guntii, waxa la gudboon dadka reer Khatumo State in ay meel uga soo wada jeestan dacayadaha iyo iskudirta dadka reer SSC ee ay wadaan danlaawayaasha aan (1) Danta ka lahayn dhibta ito dayaca soo gaadhaysa dad ka reer Khatumo State (2) Jeclayn in ay arkaan horumarka iyo wanaagga laga samayn karo gobollada SSC ee reer Khatumo State (3) Jeclayn in la sameeyo Maamul Gobolleed ay leeyihiin oo u gaar ah dadka reer SSC. Ugu dambayn, Madaxda Maamulka Khatumo State waxaan leeyahay “Caynaanka HAYA-HAYA-HAYA weligiin HAYA.

Wa Billahi Towfiiq.

Qore: Cabdijabar Xassan Axmed

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top