WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Sababta ugu weyn ee keentay in uu xilka iska Cisilo Rai’sul Wasaarihii saameynta badnaa ee Itoobiya Hailemariam Desalegn-Video

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa iscasilay, Wuxuu sidoo kale la sheegay in uu iska casilay gudoomiyanimadii xisbiga haya talada dalkaasi ee People’s Revolutionary Democratic Front.

Iscasilaadiisa ayaa ku soo beegmaysa ka dib muddo bilooyiin ah oo ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeeday, Dibadbaxyada ayaa intooda badan ka socday gobolada Oramada iyo Amxaarada, waxaana kuwii ugu dambeeyay ayaa ku dhintay 10 qof tira kaalana waay ku dhaawacmeen.

Dalka Itoobiya ayaa tan iyo 2015 waxaa ka socday dibadbaxyo ay dadka ku dalbanayeen isbadalo siyaasadeed iyo mid dhaqaale iyo in la soo afjaro musuqmaasuqa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xisbiga haya taladda dalka Itoobiya ayaa ku kala qaybsamay qaabka loo wajahayo dibadbaxyada socda, Qaar ka mid ah hogaamiyayaasha Itoobiya ayaa u arkayay rai’sul wasaaraha mid jilicsan oo jahwareersan, ayay intaa ku dartay.

Itoobiya oo wiiqanta islamarkana ay xasilooni daro ay soo wajahdo ayaa waxay halis ku tahay guud ahaan gobolka geeska Afrka.

SOMALI NEWS

To Top