WARARKA SOOMAALI

Daawo:-isimadda dhaqanka ee Puntland oo kasoo hor jeestay wadahadalka Dowladda Somaliya iyo Maamulka Somaliland-Video

Qaarkamid ah Isimada dhaqanka ee Puntland, Gaar ahaan kasoo jeeda Gobolada Barri iyo Sanaag oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Wadahadalo la sheegay inay dhexmari doonaan Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, iyagoo siwayn uga soo horjeestay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxay sheegeen inaysan hada ahayn suuro-gal Wadahadal lala furo Somaliland oo duulaan Qaawan u ah deegaano aan ka tirsanayn, Waxayna sidoo kale sheegeen inaysan Marnaba Aqbali doonin Wadahadal Qarsoodi ah oo waxba aysan ka ogayn.

“Waxaanu Maqalnaa Dhulkaasi waa la isku haystaa, Ma shay dhar ahbaa, Ma Ceesaan aan Summad lahayn baa, 27-sano duulaan baa laga soo waday Hargeisa, Waanu dulqaadanay wax badan, Waxayna dhashay in la dhaho Dhulkiinii ayaa la isku haystaa, oo hadana laga wada Hadlayaa, ma Aqbali doono “ Ayuu yidhi Garaad C.laahi Cali Ciid.

SOMALI NEWS

To Top