WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaadhay Brussels iyo shir looga hadlayo Amniga oo maanta ka furmaya-Video

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasoo uu uga qeyb geli doono shir looga hadlayo ammaanka Soomaaliya iyo halka ay marayaan qaab dhismeedka Ciidamada Qalabka sida oo la doonayo in amniga dalka ugala wareegana AMISOM.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Amb. Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu shir guddoomin doono shirkan looga hadlayo ammaanka Soomaaliya, iyo sidii ciidamada milateriga mas’uuliyadda ammaanka ugala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM.

Shirkan ayaa daba socda shirar looga hadlayay ammaanka oo ka kala dhacay Muqdisho iyo London, kaasoo ujeedkiisa yahay sidii xilliga kala guurka ee Ciidamada Soomaaliya amniga dalka ugala wareegi lahaayeen ciidanka AMISOM.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa shirka ka qeyb galaya dalalka daneeya Soomaaliya ee Beesha Caalamka, waxaana inta uu socdo shirka looga doodi doona qorshaha loogu diyaarin lahaa Ciidamada qalabka sida, sidii AMISOM si tartiib tartiib amniga ugala wareegi lahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay dadaalo ugu jirtay qorshaha dib u dhiska iyo dib u habeynta Ciidamada, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu doorkiisa ugu weyn u weeciyay arrimaha ciidamada, isagoo xafiiskiisa u wareejiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

SOMALI NEWS

To Top