WARARKA SOOMAALI

Daawo- Qisaas lagu fuliyey Wiilkii gacantiisa uu sababsaday Abdrahiim Rabiish & Muqaalkii ugu danbeeyey-VIDEO.

Ka dib markii maalinimadii shalay Buuhoodle lagu aasay Abdrahiim Saleebaan Faarax oo ka mid aha dhalinta ugu firfircoonaa gobolka Cayn ayaa waxaa isna maanta la qisaasay Maxamed Saalax X Dayib oo asaguna ahaa wiil aad u da’yaraa oo lahaa gacantii mididii dishey Abdelrahilm Rabbiish, Allaah ha u naxariisto labada wiilba, waxaan halkan idinkugu soo gudbeynaa muqaal shabakada Horufadhi ka duubtay Abdirahiim Rabiish oo deeq raashin ah iyo quudin ka wadey cusbitaalka Buuhoodle, todobaad ka hor. Geeridiisa ayaa si weyn looga dareemay baraha bulshada , ayadoo dhalinyarada Khaatumo oo dhan ay ka muujiyeen murugoweyn geerida Abdrahiim Rabiish oo ahaa nin dhalinyaro ah oo si weyn bulshada uga dhex muuqdey.

HALKAN KA DAAWO….

Qisaastan ayaa lagu wadaa inay noqoto mid si weyn uga hergasha deegaamada Khaatumo oo dhan, si loo joojiyo in qofna, walaalkii nabar kale u u quudho, meeshana looga saaro dilalka macno darada ah ee dadka wax galka ah loo gaysanayo.

[email protected]

 

SOMALI NEWS

To Top