WARARKA SOOMAALI

Wareegii ugu danbeeyey ee doorashada France oo maanta dhacaysa.

Wareega ugu dambeeya ee doorashada madaxtinimada Faransiiska ayaa maanta oo Axad ah dhaceysa, iyadoo cod bixiyeyaasha Faransiiska ay u dareereen goobaha ay codeynta ka dhaceyso.

Labo Musharax ee isugu soo haray wareega ugu dambeeya ayaa waxay kala yihiin Emmanuel Macron iyo haweeneyda lagu magacaabo Marine Le Pen.

Doorashadan ayaa ah tii ugu adkeyd ee muddo dalkaas ka dhacda, marka loo eego musharaxiinta tartamaya oo ah kuwo afkaartooda ay aad isu diidan yihiin.

Waxaa isha lagu heyn doonaa natiijada doorashada, waxaana dad badan ay saadaalinayaan ninka da’da yar ee Macron uu ku guuleysan karo doorashada Madaxweynaha.

Hase ahaatee Marine Le Pen ayaa iyadu la kulmeysay dhaleeceyn kala duwan, sida inay diidan tahay qaxootiga iyo ka sii mid ahaanshaha Faransiiska ee Midowga Yurub.

Maalin ka hor ayaa waxaa la jabsaday macluumaadka Computer-ada ee Guddiga ololaha doorashada u qaabilsan Emmanuel Macron, iyadoo baraha bylshada lagu baahiyay xogo ku aadan doorashadiisa.

SOMALI NEWS

To Top