WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Qarax ka dhacay goob Ganacsi oo ku taalla Magaalada Muqdishoa

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax fiidnimadii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Casimadda dalka, gaar ahaan goob Ganacsi oo ku taalla wadada aadka u mashquulka badan ee Maka Al-mukarama.

Qaraxaas oo ahaa mid nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa la geliyay goob Ganacsi oo ku taalla Wadada Maka Al-mukarama laguna magacaabo Taqal Super Market, waxaana ka dhashay khasaaro.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa tegay aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray wadada, iyagoona baaritaano ay sameeyeen kadib furay, waxaana halkaas ku kala cararay dadkii ku sugnaa.

Halkaan riix si aad u Daawato Muuqaalka Qaraxa.

SOMALI NEWS

To Top