WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Joe Biden oo farriin CULUS u diray Ruushka iyo Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen labada aqal ee baaralamaanka dalkaasi waxa uu kaga warbixiyay wixii u qabsoomay 100-kii maalmood ee ugu horreeyay xukunkiisa.

Khudbaddiisii ugu horraysay ee uu labada aqal oo wadajira uu u jeediyay madaxweyne Biden ayaa waxa uu ku soo bandhigay qorshayaal lagu abuurayo shaqooyin, waxbarashada iyo adeegga bulshada.

Hayeeshee qorshayaashaas ayaa waxaa aad uga soo horjeeda Xisbiga Jamhuuriga.

Wuxuu khudbaddiisa ku bilaabay inuu muujiyo waxa uu ku tilmaamay guuulaha tallaalka ee Mareykanaka taasoo wadada u xaaraysa in dib loogu laabto noloshii caadiga ahayd bilaha soo socda.

Wuxuu ku faanay in boqollaal kun oo shaqo oo cusub la abuuray 100-kiisii maalmood ee ugu horreeyay iyo sidoo kale in dhaqaalaha uu sare u kacay.

SOMALI NEWS

To Top