WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Qalabka lagula socon doono Hawadda Soomaaliya oo la rakibay iyo goorta Xadhiga laga jarayo-Sawiro

Horumarka ay Wado Dawlada Somalia ayaa Si Xawli ah uga Soconaya Dalka Gaar ahaana Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho inkasta oo Hawlaha Horyaala Dawlada ay aad u Badan yihiin .

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garowgii u dambeeyay ugu jirta la soo wareegida Maamulka Hawada Soomaaliya, iyadoo maalinta berri la furi doono Xarunta lagala socon doono maamulka Hawada Soomaaliya.

Qalabkan lagula socon doono maamulka hawada ayaa lagu rakibay xarunta Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada, iyadoo dad loo tababarayo inay ku shaqeeyaan qalabkan.

Munaasabadda lagu daah furayo maamulka hawada ayaa maalinta berri ka dhici doonta magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadda ay ka qeyb geli doonaan Madaxda dowladda.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed C/llaahi Salaad ayaa dhowaan sheegay in dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah ula soo wareegi doonto Maamulka Hawada Soomaaliya inta aanu dhamaan sanadkan.

Dhowr jeer oo hore ayay dowladdu sheegtay inay la soo wareegeyso maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay Magaalada Nairobi, ayna gacanta ku heysay Hey’adda ICAO.

SOMALI NEWS

To Top