WARARKA SOOMAALI

Maamulka Somaliland oo ka jawaabay Hanjabaddii Kooxda xuutiyiinta Yamen u soo direen…

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay hadal ka soo yeeray Kooxaha Xuutiyiinta Yemen, oo u hanjabaya inay gantaalo ku soo weerari doonaan Hargeysa, hadii Imaaraadka Saldhiga Milateri ka dhisto Berbera.

Sacad Cali Shire ayaa sheegay in muuqaaladaas ay ka arkeen baraha bulshada, balse aanay jirin war rasmi ah oo ka soo gaaray Xuutiyiinya, isagoo xusay in heshiiskii ay la galeen Imaaraadka Carabta ay ogaayeen in wax walba ka imaan karaan.

Waxaa uu sheegay in heshiiskii Imaaraadka Carabta lagula galay inay saldhig Milateri ka sameystaan Garoonka Berbera uu ahaa mid ay ansixiyeen Golaha Wasiirada, Golaha Wakiilada, isla markaana uu saxiixay Madaxweynaha, waxaa uu xusay in heshiiska sidiisa u taagan yahay oo aanay ka noqon.

Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in howlaha iyo mashruuca uu hakad ku yimid, balse aanay dhankooda jirin inay hakiyeen, isla markaana dhowr jeer ay waraaqo is dhaafsadeen.

Koox dhalinyaro ah oo wajiga u duubnaa, isla markaana calanka Somaliland gacanta ku hayay ayaa ku hanjabayo inay weerari doonaan Hargeysa, hadii ay Imaaraadka uu Berbera ka dhisto saldhig uu ka soo weerarayo Xuutiyiinta Yemen.

SOMALI NEWS

To Top