WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Qaabkii Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Degmadda Guri-ceel iyo Shacabkii oo kacay-Video

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Guriceel ee Gobolka Gallguduud.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo oo meel fagaare ah kula hadlay shacabweynaha isugu soo baxay soo dhaweyntiisa ayaa ku ammaanay halgankii dheeraa ee dadka deegaanku ay kaga hortageen mileyshiyaadka Alshabaab, Wuxuuna sheegay inay ka go’antahay wax ka qabashada baahiyaha shacabka sidaa darteedna laga hirgelinayo magaalada Guriceel mashaariic ay ka mid tahay kor u qaadista xirfadaha shaqo iyo horumarinta adeegyada caafimaadka.

SOMALI NEWS

To Top