WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Maxaabiistii Soomaaliyeed ee ku xidhneyd Mudada dheer Dalka Hindiya oo Muqdisho ka soo degay iyo Ra’iisul Khayre oo farxad la ilmeeyay-Video

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Goloha Shacabka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad ayaa caawa maqribkii garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyeen 41 maxaaabiis dhalinyaro Soomaaliyeed ah, oo ku xirnaa dalka Hindiya, kuwaasoo dib u helay xoriyadoodii, ka dib dadaalo badan oo ay samaysay dawladda Soomaaliya, si loo sii daayo muwaadiniinteeda.

Qaar ka mid ah goloha Wasiirada Soomaaliya, Xil-dhibaano iyo Mas’uuliyiin kale ayaa soo dhawaynta maxaabiista ku waheliyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxyna si marxaba ku jirto dhalinyarada ugu soo dhaweeyeen dalkooda hooyo.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in markale ay soo dhaweeyaan muwaadiiniin Soomaaliyeed, oo si yaabo kala duwan ugu xirnaa dalka Hindiya. Waxayna ka turjumaysaa sida ay xukuumadda Soomaaliya ugu dadaalayso in dhamaan maxaabiista Soomaaliyeed laga soo daayo wadamada ay ku xirin yihiin, lana dareen siiyo in ay dawlad lee yihiin.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa intii dhalinyaradeenaay dalka dibadiisa ku xiranyihiin ma nasandoono, waana soo dayndoonaa. Xukuumaduna waxay ka shaqaynaysaa sidii ay muwaadiniinteeda ugu gurman lahayd, taas oo ah waajib nasaaran. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo Safiirka dalka Hindiya u qaabilsan Soomaaliya, oo maxaabiista ku waheliyay safarka ayaa tilmaamay in dhalinyaradan lagu soo daayay heshiis dhexmaray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dawladda Hindiya, kaas oo sahlay in ay dib u helaan xoriyadoodii.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa tilmamay hadii ay gacmaha is qabsadaan shacabka iyo dawladooda, in maalin walba guul iyo horumar wanaagsan samayndoono. Sidoo kalena waxuu u hambalyeeyay dhamaan dadkii ka shaqeeyay guushan, isagoona u mahed celiyay hay’addaha dawliga ah ee ku howlan soo daynta maxabiista Soomalaiyeed.

SOMALI NEWS

To Top