WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Qaabka Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Dalka Kenya iyo ujeedka Safarka-Video

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo gaadhay  dalka Kenya, ka dib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya Uhuru Kenyata.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta beri oo talaado ah dalka Kenya kaga qeyb gelaya Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo mar kale ku guuleystay doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ilaa iyo 11-Hogaamiye la xaqiijiyay iney ka qeyb gelayaan xaflada Caleemasaarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Magaalada Nairobi ayaa waxaa ku sii qulqulaya madax ka socota caalamka kuwaasoo ka qeybgalaya  xaflada caleema saarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo markii labaad loo dhaarinayo madaxtinimada dalka Kenya.

SOMALI NEWS

To Top