WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland Wasiirka amniga Cabdisamad Galan oo xilka la wareegay-Video

Garoowe  ( HM ) Cabdisamad Maxamed Galan Wasiirka Cusub ee Amniga  Puntland ayaa maanta Xilka si Rasmiya ula Wareegay.

Isbadalka ka dhacay Puntland ayaa waxaa siwayn looga dareemay dhinaca Amniga magaalada Boosaaso, oo Xaalkeedu uu ku dhowaa Inay Faraha ka baxdo,  Waxaana wax laga Qabtay Falalkii Amni darro ee ka dhici jiray magaalada Boosaaso.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Shacabka magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ay soo dhaweeynayaan howlgalada lagu sugayo mniga ee ay ciidamada amaanka Puntland ka wadaan suuqyada iyo xaafadaha ay ka kooban tahay Boosaaso

Dadweynaha ayaa sheegay in isbedel badan ay ka dareemayaan amniga guud ee magaalada iyagoona si gaar ah u xusay in ciidamada amaanka ay ku guuleysteen qab qabashada dhalinyaro ay sheegeen in dhac iyo furasho moobil ay ugu geysan jireen xaafadaha iyo goobaha suuqyada ah ee magaalada.

Wasiir Galan ayaa ka hadlay Qorshaha uu ku Hogaamin doono Wasaarada Amniga ee Puntland.

SOMALI NEWS

To Top