WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ganacsatada Soomaalida oo ku dhawaaqay in ay Joojiyeen Qaadka Kenya-Video

Muqdisho ( HM ) Ganacsatada Soomaalida ee qaadka ka keensan jirtay dalka Kenya ayaa gabi ahaanba ku dhawaqay inay joojiyeen qaadkii ay ka keeni jireen dalkaasi.

Hadalkaan ayaa waxaa Warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha Guddiga qaadleyda Somaliyed Qooje Maxamuud Qayliye oo sheegay maanta inay ugu dambeyso qaad laga keeno dalka Kenya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Go’aankan ayay sheegeen inay u Qaateen Siday ula saftaan dowladdooda oo xilligan khilaaf diblomaasiyadeed kala dhaxeeya Kenya, Wuxuu sheegay inay doorteen garab istaaga dalkooda iyo dadkooda, islamarkaana Suuqii ganacsiga ee qaadka maanta wixii ka dambeeya ay u wareejiyeen dalka Itoobiya.

Hadalkan ayaa jawaab u ah hadal ka soo yeeray Afhayeenka Ganacsatada Qaadka ee Kenya oo sheegay inay joojinayaan Qaadka ay u soo dhoofiyaan Soomaaliya.

Lama oga in go’aankan ka soo baxay Ganacsatada Qaadka inuu yahay mid guud, hase ahaatee Ganactsada Qaadka ayaa isugu jira dhowr qeybood oo ah qeyb toos Qaadka uga soo dhoofsada Kenya iyo kuwa ka sii iibsada

SOMALI NEWS

To Top