WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland oo ka hadashay Dhalinyaradii Somaliland u diiday in ay kasoo degaan Garoonka Hargeysa ee Garoowe tagay-Video+Warbixin

Garoowe (Horufadhi News)-Puntland ayaa ka hadashay dhalinyaro reer Somaliland ah oo maalin ka hor laga soo dejiyay garoonka diyaarada magaalada Garowe, kadib markii Somaliland diiday in ay ka degto diyaaradii waday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa xarunta Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Maamul Gobaleedka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab iyo afhayeen xukuumadda Puntland Cabdulaahi Quraan jecel ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Garowe kaga hadlay dhalinyaradaas oo wada hadal kadib shalay galinkii danbe ka degay garoonka diyaaradaha Hargeysa.

Cabdi Xirsi Cali Qarjab Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay  in dhalinyaro reer Somaliland ah oo tahriibiyaal ah oo laga soo celiyay Liibiya ay Hay’ada mujaahiriinta adduunka ee IOM diyaarad ugu kiraysay Hargeysa, balse  Somaliland diiday, kadibna Puntland lagu soo celiyay ayna u ogalaadeen laguna soo dhaweeyay Magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale Wasiir Qarjab ayaa sheegay in muddo 24 saac ah IOM iyo Puntland wada hadal kula jireen Somaliland si dhalinyaradaas Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaanada Somaliland looga dejin lahaa Hargeysa, ugu danbeyna ay ogolaadeen, wuxuuna Somaliland ku eedeeyay in ay marayaan heer ay dadkoodii diidaan.Waa sida uu Hadalka u dhigaye!.

Dhanka kale Afhayeenka Xukuumadda Puntland Quraan Jecel ayaa sheegay in dhalinyaradaas ay ahaayeen 53 reer Somaliland ah oo diyaarad Muqdisho ka soo qaaday loo diiday in ay ka soo degto Garoonka Diyaaradaha Hargeysa, kadib markii Somaliland sheegtay in ay yihiin Soomaali, wuxuuna sheegay in muddo 24 saac ah ay Muuse Biixi ka baryayeen in carruurtaas Hooyinkood iyo guryahoodii loo celiyo.

Sidoo kale Qaraan Jecel ayaa sheegay in dhalinyaradaas qaarkood ay xanuunsanayeen ayna ku booqdeen Hoteeladii ay ka deganaayeen Garoowe, wuxuuna sheegay in ay u diideen Warbaahinta in ay cod ka qabato, kadib markii ay codsadeen in ay ka baqayaan in ay dhibi uga timaado Somaliland.

Dhalinyaradan 53 ahayd oo dhamaantood ka soo jeeday deeganada Somaliland ayaa ugu danbeyn shalay galinkii danbe ka degay garoonka diyaarada Hargeysa, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay ehelkoodiii iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah Ucid Faysal Cali Waraabe iyo xubno kale oo Somaliland ah.

Waxaana dhalinyaradaas qaarkood ka muuqday dhaawacyo iyo jir-dil soo gaadhay intii ay ku jireen tahriibka, waxayna qaarkood markii ay Hargeysa tageen ka hadleen dhabaatooyinkii soo maray.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay Dalka ku soo celiso boqolaal muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku xidhnaa Dadal badan oo Afrika iyo Aasiyaba ah.

 

SOMALI NEWS

To Top