WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland oo Hanjabaad culus Hawadda u marisay Somaliland kana hadashay Xaaladda G.Sool Sool iyo Shacabka xidhan-Video

Garoowe (Horufadhi News)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose & Arrimaha Reer guuraaga Maamulka Puntland Cabdulahi Axmed Xirsi (Timacade) oo warbahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu dhibaato joogta ah ku hayo Dadweynaha Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Wasiir Timadace waxaa uu sheegay in wali Mamulka Somaliland Laascaanood ka wadaan Caburin & dhibatayn shacabka Gobolka Sool ” Shacabka Puntland waxaan u shegayaa in Maamulka Hargiza & kooxda argagixisada ah ee Alshabaab oo iskaashanaya ay  wali wadaan dhibataynta shacabka ku dhaqan Gobolka sool“Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiirku waxaa uu si adag hadalkiisa u weeraray wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliland ,waxaana uu yiri ” Ina Kaahin waxaan leeyahay Sool umana adan dhalan kama talindoontid,Somali waa kala taqaan cida gaalo maciinsan oga Puntland & Somaliland”Wasiir Tima Cadde.

Magaalada Laascaanood waxaa xabsiga dhexe ku xidhan ilaa hada Dad isugu Jira Haween,Dhalinyaro,Wariyayaal iyo shakhsiyaad kale oo ka mid ah haldoorka Bulshada Gobalka Sool ,waxaana loosoo xidhay,kadib markii ay qabteen isu soo baxyo ay ku muujinayaan sida ay uga soo hor jeedaan Somaliland iyo joogi taankeeda Gobalka Sool.

SOMALI NEWS

To Top