WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Somaliland oo wafti ka jawaabaya Socdaalkii Camey ee Buuhoodle u dirtay Gobalka Cayn-Video

Buuhoodle  (Horufadhi News)-Waxaa magaalada Buuhoodle maanta soo gaadhay C.rashiid Ducaalle Qambi  ( RAAF)  Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland, taasi oo Jawaab u ah  Booqashadii uu dhowaan Buuhoodle ku yimid madaxwayne ku xigeenka Puntland.

Raaf Hadal uu ka jeediyey Buuhoodle ayuu Hogaanka Puntland  u sheegay in dagaal iyo Dhig  la daadiyo aysan Wakhtiga ku kordhisan,  Sidoo kale Shacabka Buuhoodle ayuu ugu baaqay inay Ilaashaadaa Nabadda, Wuxuuna xusay inaan Somaliland wax dagaal ah kusoo wadin Buuhoodle,  Wuxuuna sheegay in  Xiligii dagaalkii Kalshaale ay Reer Buuhoodle Tooda ku meel-mareen Balse aanu jirin Gurmad uga yimid Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Si kastaba Puntland iyo Somaliland oo dagaal ku dhexmaray Tukaraq ayaa hada u muuqda inay Buuhoodle ku dhexmartay “Aniga ayaa kaa soo dhowayn wacnaa”.

SOMALI NEWS

To Top