WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xildhibaanada ka soo jeeda Deegaanada SSC oo taageeray Dagaalka Puntland kula jirto Somaliland, kulan Xasaasi ah-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Xildhibaanada ku jira Dawladda Soomaaliya ee kasoo Jeeda Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho, ayaa War murtiyeed kasoo saaray Xiisada ka taagan Gobolka Sool.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxay sheegeen in Somaliland ay Bulshada Gobolka Sool ku hayso Dhibaato iyo Culays kala duwan, Waxayna sheegeen inaanu Jirin Heshiis dhexmaray Bulshada SSC iyo Somaliland, kaasi oo ku aadan kala Goynta Qaranka Soomaaliyeed.

Xildhibaanadda ayaa si buuxda waxaa ay u taageereen Dagaalka ka dhanka ah Somaliland ee Puntland sheegtay in ay ku xoreynayso guud ahaan Gobalka Sool iyo Deegaanada kale ee Somaliland gacanta ku hayso dhulka SSC.

 

SOMALI NEWS

To Top