WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland oo Ardeyda wax ka Barata Deegaanada Soomaliland ugu baaqday in ay kasoo baxaan Hargeysa iyo Boorame..-Video

Garoowe (Horufadhi News)-Gudiga difaaca ee Maamul Gobaleedka Puntland ayaa goordhow  war-murtiyeed ay soo saareen isla markaana ay uga hadleen dagaalka u dhaxeeya iyaga iyo Soomaliland ayaa waxaa ay  sheegeen in Maamulka Somlailand uu wada shaqayn dhow la leeyahay Argagixisada ,gaara ahaan Ururka Al-shabaab oo Maamulka Puntland dagaal kula jirto.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ,Dowladaha Hoose & horumarinta Reer-guuraaga Cabdullahi Cali Xirsi (Tima-cadde) oo warbaahinta lahadlay ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay wada sahqeeyaan Al-shabaabka dagaalka kula Jira Soomaaliya,waxaana uu xusay in hayaan cadaymo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiir Tima-cade waxaa uu sheegay in Faysal Cali Waraabe uu difaacay Argagixsada ku jirta Buuraha Galgala ee dagaalka kula jirta Ciidanka difaaca  Puntland,iyadoo uu ku sheegay war uu dhawaan jeediyey in aanay jirin wax argagixiso ah oo Puntland la dagalamayso balse ay jiraan dad uu isagu garanayo,taas ayuu gudigu ku tilmamay in ay cadaymaha kamid tahay.

Sidoo kale Gudiga Difaaca Puntland oo Garowe Shirjaraaid ku qabtay ayaa ardayda reer Puntland ee Wax ka barta Soomaliland oo Tiradoodu Gaarayso 824 Arday Waxaa ay ugu yeereen in ay Puntland dib ugu soo laabtaan iyagoo Jaamacadaha ay dhigtaan ee ku yaal Borame iyo Hargaysa ka codsaday in u soo badalaan si ay Guryahooda wax ugu bartaan iyagoo bad qaba .

Afhayeenka Madaxtooyada oo fariintaasi Ardayda u diray wuxuu sheegay in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen Tirada Arday oo 514 ka mid ah Boorame wax ka barato halka 310 ka kale ay wax ka bartaan jaamacadaha Hargaysa .

Warkan kasoo baxay Maamul Gobaleedka Puntland ayaa kusoo beegmaya xili xiisada colaadeed ee labada dhinac ay marayso meeshii ugu xumeyd isla markaana qola kasta taagan tahay car iyo Wir.

Horufadhi News

 

SOMALI NEWS

To Top