WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland oo 3-shuruudood oo adag ku xidhay joojinta Dagaalka ay kula jirto Soomaliland ee ka socda Gobalka Sool-Video+Warbixin

 Laascaanood (Horufadhi News)- Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camey, ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Puntland uusan joojin doonin dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ilaa Soomaliland Ciidamadeedu ka wada laabtaan Sool.

Cabdixakiim Camey ayaa sheegay in Puntland aysan ka waaban doonin dagaalka ay kula jirto Soomaliland ee ka socda deegaanka Tukaraq, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay inay la socdaan waan waanta ay wado Soomaliland taa oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo dagaalka, hase ahaatee waxa uu taa ku sheegay mid aan habayaraatee hirgali doonin oo dhicis ah.

Madaxweyne Camey, waxa uu tilmaamay in waan waanta ay hirgali doonto goorta ay Soomaliland ciidamadeeda kala baxdo Gobolka Sool.

Waxaana uu Camey hoosta ka xariiqay shuruudihii ugu adkaa ee uu la hor dhigo Soomaaliland tan iyo intii ay sanadii 2007 duulaanka ku qabsadeen Laascaanood iyo qaybo badan oo kamid ah Gobalka Sool.Shuruudaha uu Camey ku xidhay Xabad joojin ka dhaqan Gasha deegaanada lagu dagaalamay ayaa waxaa kamid ahaa.

1-In Soomaliland ay Ciidamadeeda ka saarto deegaanka Tukaraq.

2-In Ciidamada Somaliland dib loogu celsho halkii ay Bishii October 2007 kasoo qaaday duulaanka isla markaana ay ku qabsadeen Laascaanood.

3-In Ciidamada Soomaliland ay ka fogaadan deegaanada Oog ilaa Libida Gaatama oo ay hadda heystaan Ciidamada.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale Madaxweyne xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camey, ayaa sheegay in Soomaliland ay u aqoonsan yihiin Soomaali-diid, sidaa aawgeed aysan u tudhi doonin marnaba waa sida uu hadalka u dhigaye.

Haddalka Camey, ayaa u muuqanaaya mid lagu sii shidaayo colaada ka dhex oogan maamulada Puntland iyo Somaliland oo isku haya Gobolka Sool.

Horufadhi News

 

SOMALI NEWS

To Top