WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Maxaa ka jira in Xidhiidh ka dhaxeeyo Soomaliland iyo Al-shabaab ,Puntland ayaa arrintaas ku celcelisay marar badan-Video

Garoowe (Horufadhi News)-Gudiga difaaca ee Maamul Gobaleedka Puntland ayaa goordhow  war-murtiyeed ay soo saareen isla markaana ay uga hadleen dagaalka u dhaxeeya iyaga iyo Soomaliland ayaa waxaa ay  sheegeen in Maamulka Somlailand uu wada shaqayn dhow la leeyahay Argagixisada ,gaara ahaan Ururka Al-shabaab oo Maamulka Puntland dagaal kula jirto.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ,Dowladaha Hoose & horumarinta Reer-guuraaga Cabdullahi Cali Xirsi (Tima-cadde) oo warbaahinta lahadlay ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay wada sahqeeyaan Al-shabaabka dagaalka kula Jira Soomaaliya,waxaana uu xusay in hayaan cadaymo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiir Tima-cade waxaa uu sheegay in Faysal Cali Waraabe uu difaacay Argagixsada ku jirta Buuraha Galgala ee dagaalka kula jirta Ciidanka difaaca  Puntland,iyadoo uu ku sheegay war uu dhawaan jeediyey in aanay jirin wax argagixiso ah oo Puntland la dagalamayso balse ay jiraan dad uu isagu garanayo,taas ayuu gudigu ku tilmamay in ay cadaymaha kamid tahay

SOMALI NEWS

To Top