WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dagaal aan la saadalin karin suu u joogsan doono oo laga cabsi qabo in uu ka Qarxo Deegaanka Tukaraq ee G.Sool-Video+Warbixin

Muqdisho (Horufadhi News)-Xili Bulshada Soomaalida iyo Beesha Caalamkaba ay aad ugu walaacsan yihiin xiisada Colaadeed ee ka taagan Gobolka Sool una dhaxeeysa Soomaaliland iyo Puntland iyo waliba Dadka Deegaanada SSC, ayaa waxaa isa soo taraya Hadalada colaad Hurinta ah ee labada dhinacba ka soo kala yeedhaya mar kasta.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey,ayaa sheegay in aysan jirin xilligan waan waan laga dhex wado iyaga iyo Maamulka Gobaleedka Soomaaliland,isla markaana aysan jirin doonin wax wadahadal ah oo dhexmara inta Ciidamadda Soomaaliland hal Askari oo kamid ah kusii sugan yahay Deegaanada Sool iyo Sanaag.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliland ay haysato Deegaano badan oo Puntland ay leedahay sidaas daraadeedna uusan jiri doonin wadahadal ilaa Soomaaliland ay baneyso deegaanada Puntland ee Gobolada Sool iyo Sanaag waa sida uu hadalka u dhigaye Mr Camey oo u muuqday mid aysan dhagihiisa haba yaraatee inyarna ku duxin kumanaan baaq ee Beesha Caalamka iyo Dowladdaha jaarka iska soo daba dhacaya.

“Soomaliland waxaan wada hadli karnaa markii ay dib ugu laabtaan Ciidamadoodu halkii ay ka soo duuleen Bishii Octoober ee Sanadkii 20o7-dii balse intii ay ku sugan yihiin Gambadha,Gaatama iyo deegaanada kale majiri doonaan wax wada hadal,Xabad joojinta lagu dhawaaqayna waxa ay ahaan doontaa mid dhicis ah,, ayuu yidhi Madaxweyne Camey.

 

Maalmihii dambe ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in ay socdaan wada xaajood u dhaxeeya dhinacyada colaadu u dhaxeyso islamarkaana ay gadhwadeen  ka yihiin xubno ka socda Beesha caalamka iyo Waliba Dowladda Itoobiya oo la sheegay in ay qayb weyn ka ciyaarayso nabad raadinta Deegaanadaas sida ay ilo Diblamaasiyadeed oo lagu kalsoonaan karo u soo dusiyeen Warbaahinta Horufadhi News.

Laakiin madaxweyne ku xigeeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey ayaa warkaas oodhan isku fuuqsaday isla markaana meesha ka saaray in ay jiraan wax wada xaajood ah oo hadda socda wuxuuna shuruud ku xedhay joojinta colaadaasi tagaan ka taagan Deegaanka Gobalka Sool inta Soomaaliland ku sugan tahay Deegaanada dhow dhow.

Deegaanka Tukaraq ee iyo Deegaanadii lagu dagaalamay dhamaantood Waxaa weli is hor fadhiyo Ciidamadii dagaalmay ee labada dhinac, waxaana jirta cabsi weyn oo ku aadan inuu mar kale dagaal Qarxo kaas oo aan la saadaalin suu u joogsan doono maadaama ay labada dhinacba maalmahan soo gaadhayeen Gurmad dhan kasta leh hadii ay awood Ciidan noqoto iyo Mid Calafba.

Dhawr jeer ayuu soo laalaabtay dagaalka deegaanka ku dhex marayo Puntland iyo Soomaliland, waxayna mar kasta labada dhinac kala sheegtaan Guulo inkastoo weli uu dagaalka ka socdo halkii uu markii hore ka bilowday labada dhinacna ay isku hor fadhiyaan Jiidihi hore ay iskugu faro saareen.

Xaaladda deegaanka Tukaraq ayaa haatan ah mid kacsan,waxana laga dareemayaa xiisado dagaal oo u dhaxeeya Ciidamada labada maamul ee isku hor fadhiya Deegaanka gaar ahaan jiida hore,mana jirto cid ilaa iyo hadda sidhab ah iskugu dayday In ay kala dhexgasho marka laga reebo baaqyo Warbaahinta loo marinayo oo u badan Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isbuucyaddan si is daba joog ah warbaahinta ula hadlay waxaana uu mar kasta shegay in uu Nabad ku baaqayo isla markaana aan wakhtigan Dagaal loo baahneyn,hase yeeshe Dadka ku dhaqan Sool Sanaag iyo Cayn iyo Puntland ayaa haatan u muuqda kuwo aan dhagaha u dhigayn hadalada ka imaanaya dhanka Somaliland.

Dadka Dega dhulkan Maamuladda Soomaaliland iyo Puntland ku muransan yihiin gaar ahaan Beesha Dhulbahante ayaa haatan waxaa ay u muuqdaan inta badan marka laga reebo Siyaasiyiin faro ku tiris ah oo la safan Soomaaliland in ay u diyaar garoobeen sidii ay Deegaanadooda uga saari lahaayeen Maamulka Soomaaliland oo sanado badan Dhul badan oo Sool iyo Sanaag ka mid ah ka arriminayey,waxaana Tusaalle loo soo qaadan karaa Kacdoonka ka socda Laascaanood,Warbaahinta,Baraha Bulshada,iyo Jaaliyadda Dibadda oo si isku duubni ah u sheegay in ay ka go,an tahay in ay doorkan Soomaaliland ka saaraan Deegaanadooda.

Horufadhi News

 

 

SOMALI NEWS

To Top