WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Shacabka Muqdisho oo aad uga cabanayo wadooyin xidhan iyo Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in deg deg loo furo-Warbixin

Muqdisho (Horufadhi News)-Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay Dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa lugeynayey waxayna arrintaasi keentay in Dadka shacabka ah  cabasho ka keenaan Dhabooyinka waa weyn ee xidhan dhibaatada xooga leh ee ka dhalatay.

Waddooyinka waa weyn ee Muqdisho ayaa la dhigay Ciidamo kuwaasi oo dadka u diidaya in ay maraan, sidoo kale waxaa ciid iyo dhagaxaan lagu gooyay jid cadayaasha soo gala waddooyinka laamiga ah.

Xidhnaashaha Waddooyinka ayey Dowladdu ku sababeysay in amniga lagu xoojinayo inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho oo la hadlay Horufadhi News xili ay maanta u kuur gashay Xaaladda wadooyinka xidhan ee Muqdisho ayaa Shacabku sheegeen in ay xirnaashaha waddooyinka ay kala kulmeen dhibaato badan xilli ay soo dhowdahay Maalinta Ciidulfidriga waxaana ka mid ahaa hadalladoodii Labaddan Qof.

“Aad ayaan uga xunnahay in waddooyinka la xidho sababtoo ah maalin Sabti ah waaye shaqo ayey leeyihiin Jaamacado iyo iskuullo ayaa la leeyahay “.

Qof kale oo ka mid ah dadka ay saameysay waddo xidhista oo Warbaahinta Horufadhi News maanta la hadlay ayaa sidaas yidhi.

“Waddooyinka xidhan dhibaato badan ayey ku qabaan Dadka shacabka ah waxaan ka soo lugeeyay Ex-koontarool Tarabuunka ayaa lug ku imid waxaan ku baaqi lahaa dadkaan iyo Dalkaan Dad ayaa u dhaartay waa in ay dhibaatada naga dhaafaan”.

Jidadka xiran waxaa ka mid ah wadada Wadnaha, Makah almukaram iyo waddooyin kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay hay’adaha amniga ee Dowladda in shacabka ay u fududeeyaan isku socodka islamarkaasna la furo waddooyinka xidhan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in nabadgelyadu ay ku timaado wadashaqeyn dhexmarta Shacabka iyo ciidamada isaga oo ka dalbaday Shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top