WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Qaar ka mid ah qurbajoogta Beesha Jaamac Siyaad oo meel adag iska taagay Dagaalka Tukaraq-Video

Laascaanood (Horufadhi News)-Jaaliyadda Beesha Jaamac Siyaad (Dhulbahante ) ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska ayaa Shir Jaraa’id oo ay Qabteen waxay uga hadleen Xaalada Colaadeed ee ka taagan Deegaanka Tukaraq Gobolka Sool.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxay sheegeen inay yihiin Dad Soomaaliyeed oo aaminsan midnimada Soomaaliya iyo Calanka Soomaaliyeed, Waxayna sheegeen inaanu Jirin wax Heshiis ah oo dhexmaray Bulshada Sool iyo maamulka Somaliland, Waxayna sheegeen inay u arkaan Dad kusoo duulay Dhulka Daraawiishta ee Barakeysan waa sida ay hadalka u dhigeene.

Hadalkan Jaaliyadda Beesha Jaamac Siyaad(Dhulbahante) ayaa kusoo beegmaya xili ay odayaal iyo Dhalinyaro si kala horaysa shirar ugu yeesheen Magaalada Laascaanood ay ku dhawaaqeen isla markaana ku celceliyeen in ay Soomaaliland Dagaal la galayaan isla markaana ay ka baxdo guud ahaan Gobalka Sool iyo Sanaag hadii ay wada hadal iyo nabad ka islaaxda deegaanka rabaan.

Maamulka Soomaaliland ayaa ay Jaaliyadu kulankan si kulul uga cambaareeyeen waxaana ay sheegeen in ay ka been sheegayaan jiritaanka Dadka ku dhaqan Sool iyo Sanaag oo ay marar badan sheeganayaan Dhulka in ay Ingiriis ka qabsadeen,taasna aysan waxba ka jirine ay iyagu Dhulka kula dagaalameen Ingriiskii isla markaana ay iska xoreeyeen.

Horufadhi News

 

SOMALI NEWS

To Top