WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Nuux Taani oo yidhi ha la Toogto Korneyl Caare & Tirada Dadkuu hore u dilay-Video

Laascaanood (HM)-Dhinaca kale Taliyaha Ciidmada maamulka Hargeysa  Nuux Taani  ayaa sheegay inay Wacneyd in la toogto  Kornayl Caarre  isagoo ku tilmaamay inuu ahaa Dambiile Qaran, Islamarkaana loo  loo heysto dilka 10 Qof oo isagu ka danbeeyay, wuxuuna xusay iney aheyd in la qisaaso, ee uusan mudneyn in lagu tilmaamo “Geesi”.

HALKAN KA DAAWO HADALKA TAANI

“Caare Wuxuu ahaa Kornayl ka tirsan Ciidamada, oo Dhibaato badan Sanaag ka gaystay ayuu ahaa, Iyadoo loo haysto 4-Qof dilkood Rag baa yidhi  hala sii daayo, Markii lasii daayey wuxuu dhacay    Mushahaarkii Ciidamada, Dadka uu dilay kama yara 10-Qof,  Goorma ayuu geesi Noqday  nin Dad islaam ah Xasuuqay, Waxay ahayd in la Qisaaso, Waxaan leeyahay waa Dambiile Caarre “Ayuu yidhi  Nuux Taani oo aad uga xumaaday isla markaana cadho ka muuqato.

Hadalkan kasoo yeedhay Nuux Taani ayaa waxaa uu dab horleh kusii shidayaa dagaalkii kala dhaxeeyay maamulka Soomaliland Jabhadda Dulmi diid ee uu Hoggamiyo Korneyl Caare oo maalmahan waan waan uga socotay Gobalka Sanaag.

Hore waxaa digniin u siiyey Taani Korneyl Caare oo ogaa inuusan Nuux Taani ahayn nin usoo joogsanay

SOMALI NEWS

To Top