WARARKA SOOMAALI

Soomaliland Xildhibaan Hargeysa kasoo tageeray Axmed Madoobe, codsadeyna in loo geeyo!!.

Hargeysa (HM)-Xildhibaan Naasir Cali Shire oo katirsan maamulka  Somaliland ayaa hambalyo iyo ammaan u diray madaxweynaha dib loo doortay ee maamul gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xildhibaanka oo waraysi siinayey wargeyska Geeska ee ka soo baxa Hargaysa ayaa sheegay in doorashadii Axmed Madoobe ay ahayd mid sharci ah uuna ka codsaday inuu ku casuumo xafladdiisa calaama saarka ee Kismaayo ka dhacaysa.

“Anigoo ah Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland, waxaan hambalyeynayaa, oo aan leeyahay hambalyo guusha uu ku soo baxay Madaxweynihii Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), guushaas uu Axmed Madoobe gaadhay waxay nabar iyo naxdin ku tahay, hawsha kaligii talisnimada ah ee qolada Muqdisho ka talisa ee ay doonayaan inay ku baabiyaan wadanka aynu jaarka nahay ee Somaliya, caqliyada ka shqaysa, ee hadda ka talisa Magaalada Muqdisho, waxaana u sheegayaa inaysan ku mashquulin ciddii Soomaali ah oo horumar gaarta”, ayuu yidhi Ninkan Xildhibaanka sheegtay ee ka hadlay Hargeysa.

Naasir Cali Shire ayaa ugu dambayntii sheegay in Axmed Madoobe uu yahay shaqsi geesi ah isla markaana mudan in loo hambalyeeyo laguna ammaano wixii uu soo qabtay.

Maamulka Soomaliland ayaa ka siman in meel kasta oo ayn arkaan in Dowladda Soomaaliya culays ka saaran yahay ama ay cid isku hayaan inay cidaas lasoo saftaan isla markaana si qaawan isaga taageeraan cida kale.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top