WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Nabadoon Axmed Diiriye oo maanta aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka qayb galay-Video

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Somalia iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay salaada janaasada marxuum Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo habeen hore ku geeriyooday magaalada Muqdisho, taasoo ka dhacday masjidka Isbaheysiga Islaamka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa sidoo kale ka qeyb galay janaasada Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. Yariisow, Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug iyo Mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowlada.

Allah u naxariiste Nabadoon Marxuum Axmed Diiriye Cali ayaa habeen hore saqddii dhex ku geeriyooday Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer) ka dib xanuuno soo wajahay oo uu mudooyinkan la ildarnaa, Waxaana Eheladiisu sheegeen in lagu Aasi doono deegaankii uu ku dhashay oo horay uu uga dar-daarmay kaasi oo maanta loo qaaday.

SOMALI NEWS

To Top