WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ciidamadda Maamulka Puntland oo sheegtay in ay dileen xubno sare oo ka tirsan Kooxda Al-shabaab-Video

Ciidanka Amniga Maamulka Puntland (PSF) ayaa Howlgal gaar ah 20-kii bishan waxa ay ka fuliyeen Buuraleyda degaanada Dha-dhaabo iyo Ceeldibir ee Buuraha Cal Madow Puntland.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen intii Howlgalkan uu socday in Ciidanka ay dileen Saddex xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, tiro kale oo intaa ka badana ay gaarsiiyeen dhaawacyo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxay kaloo saraakiishu sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen laba Maxbuus oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kuwaas oo loo gudbiyey xabsiyada magaalada Boosaaso.

Hawlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ciidamada PSF-ta Puntland wadaan ayay saraakiishu sheegeen inay sii socon doonaan ilaa Al-shabaab laga soo afjarayo lagana xoraynayo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Ururka Al-shabaab ayaa labadii bil ee ugu dambeysay waxa ay kordhiyeen weerarada iyo qaraxyada ay ka geysanayaan Puntland, inkastoo Puntland ay wado Howlgallo falalkaasi looga hortagayo.

SOMALI NEWS

To Top