Dagaalka Beelaha ee ilaa Shalay ka Soconayey Deegaanka Darara wayne ee Gobolka Sanaag ayaa Xisbiga Ucid ee Somaliland ku Dhaliilay Xukuumada Buuse Biixi ee Somaliland.
HALKAN KA DAAWO XISBIGA UCID
Dagaalka Beelaha Wada Daga Deegaanka Ceel afwayn ayaa Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Baahsan Waxaana Dagaalka Beelahan uu Soo Noq noqday Dhowr Jeer.
HALKAN KA DAAWO SULDAANKA
Dhinaca kale Waxgaradka Beesha Garxajis ayaa dagaalka kasoo Cusboonaatay Deegaanka Darar-wayne ee degmada Ceel-afwayn Dusha u saaray Xukuumad Somaliland “Meesha Laba Beelood kuma dagaalmayaan, waxaa ku dagaalamaya Beel iyo Xukuumad, Cida Hubka iyo Rasaasta siinaysa Beesha kale waa Xukuumadda, Hadii ay sidaas ku socoto waxaanu Balan qaadaynaa in Garxajis oo dhan ku Biiri doono dagaalka, waxba yaan Qiiq la isku Qarin. “ Ayuu yidhi Suldaan Maxamed C.qaadir oo ka hadlay.