WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Socdaalkii Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Somaliland ee Tukaraq oo lama filaan iyo argagax ku noqotay Maamulka Puntland-Video+Warbixin

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta duhurnimaddii gaadhay deegaanka Tukarraq ee Gobolka Sool, halkaas oo ay dhawaan kala wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo sanadahanba halkaas fadhiisan u ahayd,

Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Somaliland ayaa ka soo amba baxay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo uu saaka goor hore soo gaadhay, Waftiga uu Hoggaaminayo ku xigeenka Maamulka Soomaliland ayaa booqday  xarumaha iyo fariisimaha ay ku sugan yihiin ciidanka Somaliland ka ee deegaanka Tukaraq.

Booqashada Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Somaliland uu u ku tagey Tukaraq ayaa ahayd mid aan la fileyn,taas oo Maamulka Puntland ku noqotay wax aysan fileyn,walow hadda ka hor ay deegaanka tageen xubno ka socda Maamulka Gobalka Sool ee Somaliland.

Deegaanka Tukaraq iyo Deegaanada ku xeeran ayaa laga dareemayaa xaalad colaadeed oo baahsan waxaana la arkayaa shacab badan oo deegaanka ka qaxaya iyada oo u mar kasta dagaal ka dhex qarxi karo Labada maamul ee isku hor fadhiya Deegaanka.

Dhanka kale Socdaalka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Somaliland ayaa kusoo beegmaya xili Maamulka Puntlad ay wadaan abaabul Ciidan oo ay ku doonayaan ay in dib ay ugala wareegaan Ciidanka Maamulka Somaliland Deegaanka Tukaraq iyo guud ahaan Gobolka Sool.

Deegaanka Tukaraq ayaa 70KM u jirta Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland,sidoo kalena waxaa ay ahayd Tukaraq (Kas-tamka) ugu weynaa ee uu Maamulka Puntland ku lahaa Gobalka Sool.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Lama oga xiisadda iyo waxyaabaha ka dhalan kara socdaalka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu maanta ku tegay deegaankaa balse waxa marag madoon ah in Puntland ay aad uga sii kacayso isla markaana uu Socdaalkan Saylici sii abuuri doono xiisad hor leh iyo falcelino aan la saadaalin karin oo ka yimaada dhanka Puntland.

Wararka Horufadhinedia.com,Muqdisho,Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top