WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madax-dhaqameedka Beesha Garxajis oo sheeciyey goorta uu qamsoomayo Shirkoodu,Muuse Biixina Dagaalkii ku eedeyay-Video

Madaxa-dhaqameedka Beesha Garxajis ayaa Shaaciyay Wakhtiga ay Sida Rasmiga Ah u qabanayaan Shirwayne ay Qaban-qabaadiisa Wadeen Mudooyinkii ugu dambeeyay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxay isla garteen inuu Shirkaasi  Qabsoomi doono 15-ka Bisha Afraad  ( April ),  Waxayna sheegeen in Shirkaasi lagu qaban doono Gobolka Togdheer.

Dhinaca kale  Waxgaradka Beesha Garxajis  ayaa dagaalka kasoo Cusboonaatay Deegaanka Darar-wayne ee degmada  Ceel-afwayn Dusha u saaray  Xukuumad Somaliland “Meesha Laba Beelood kuma dagaalmayaan, waxaa ku dagaalamaya Beel iyo Xukuumad, Cida Hubka iyo Rasaasta siinaysa Beesha kale waa Xukuumadda, Hadii ay sidaas ku socoto waxaanu Balan qaadaynaa in Garxajis oo dhan ku Biiri doono dagaalka, waxba yaan Qiiq la isku Qarin. “ Ayuu yidhi Suldaan Maxamed C.qaadir oo ka hadlay.

SOMALI NEWS

To Top